Trump Oo Hakiyey Weerarro Cusub Oo Ka Dhan Ah Iran, Isagoo Fursad Siinaya Diblomaasiyadda
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa la sheegay inuu qaaday tallaabo muujinaysa inuu doonayo in dib loo siiyo fursad xal diblomaasiyadeed oo lagu soo afjaro xiisadda kala dhaxaysa Iran, kaddib markii uu faray ciidamada Maraykanka inaanay Jimcihii bilaabin weerarro cusub oo ka dhan ah Iran.
Sida ay warisay warbaahinta Axios, oo soo xiganaysa laba ilo-wareed, amarkan ayaa yimid kaddib ku dhowaad laba toddobaad oo ay si maalinle ah u socdeen weerarro lagu bartilmaameedsanayey Iran.
Inkasta oo aan weli la caddayn in go’aankani uu bilow u yahay dhimista ama joojinta hawlgallada militari ee Maraykanka, haddana warbixintu waxay tilmaamaysaa inuu ka tarjumayo rabitaanka Madaxweyne Trump ee ah in diblomaasiyadda la siiyo fursad cusub si loo yareeyo xiisadda gobolka.
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabadan ay ku soo beegantay saacado yar uun kaddib markii wafdi ka socday dalka Cumaan ay gaadheen magaalada Tehran, halkaas oo la sheegay inay ka bilaabeen wadahadallo la xidhiidha heshiisyo cusub oo ku saabsan furitaanka marin-biyoodka Hormuz.
Haddii dadaallada diblomaasiyadeed ay mira-dhalaan, waxay noqon karaan tallaabo muhiim ah oo lagu dejinayo xiisadda gobolka iyo dib u bilaabista wada-hadallada u dhexeeya dhinacyada ay khusayso arrintan.


0 





