Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Oo Qaabilay Guddida Nabadda Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Xaaji Cabdi Ducaale, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddida Nabadda Qaranka oo uu hoggaaminayey Guddoomiye Cabdilqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, kulan diiradda lagu saaray xoojinta nabadda iyo iskaashiga hay’adaha qaranka.
Kulanka waxaa Guddoomiyaha ku weheliyey Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida, kuwaas oo si wadajir ah ula yeeshay Guddida Nabadda Qaranka wada-hadallo ku saabsan doorka ay hay’aduhu ku leeyihiin adkaynta nabadda iyo wadajirka bulshada.
Labada dhinac ayaa kulanka kaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa geeddi-socodka nabadda, loo dardargelin lahaa wada-shaqaynta u dhexeysa Golaha Guurtida iyo Guddida Nabadda Qaranka, isla markaana kor loogu qaadi lahaa wacyiga bulshada ee ku aaddan nabadda, wada noolaanshaha iyo horumarka dalka.
Guddida Nabadda Qaranka ayaa dhankooda adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga joogtada ah iyo isdhaafsiga xogta iyo talooyinka, iyagoo xusay in Golaha Guurtidu uu door taariikhi ah ka soo qaatay ilaalinta nabadda, dhaqanka iyo diinta, isla markaana uu weli laf-dhabar u yahay xal u helidda khilaafaadka iyo adkaynta xasilloonida Somaliland.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii xoojinta wada-shaqaynta labada dhinac, si loo dardargeliyo dadaallada lagu ilaalinayo nabadda iyo horumarka qaranka.


0 





