Shir-guddoonka Golaha Guurtida Somaliland Oo Qaabilay Wasiirka Maalgashiga Iyo Horumarinta Warshadaha
Shir-guddoonka Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta xarunta Golaha ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Horumarinta Warshadaha, kulan ay labada dhinac kaga wada hadleen arrimo la xidhiidha wada-shaqaynta hay’adaha dowladda iyo waajibaadka qaranka.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida iyo xubnaha Shir-guddoonka ayaa Wasiirka uga mahadceliyey booqashadiisa, iyagoo muujiyey sida ay muhiimka u tahay iskaashiga ka dhexeeya Golaha Guurtida iyo Wasaaradda Maalgashiga iyo Horumarinta Warshadaha.
Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu Wasiirka ugu hambalyeeyey xilka cusub ee loo magacaabay, isaga oo u rajeeyey in Alle ku garab galo gudashada masuuliyadda loo igmaday, kana dhigo mid ku guulaysta horumarinta waajibaadka wasaaraddiisa.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo adkaynta wada-shaqaynta u dhexeysa Golaha Guurtida iyo Wasaaradda Maalgashiga iyo Horumarinta Warshadaha, si loo dardargeliyo hawlaha horumarineed ee dalka.


0 





