Wasiirka Qorshaynta: "Qorshaha Xukuumaddu Waa In Biyaha La Gaadhsiiyo Deegaan Kasta"

0
Saturday July 25, 2026 - 14:23:06 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 50
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Qorshaynta: "Qorshaha Xukuumaddu Waa In Biyaha La Gaadhsiiyo Deegaan Kasta"

    Waxay sidoo kale sheegtay in Wasaaradda Horumarinta Biyuhu...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay sidoo kale sheegtay in Wasaaradda Horumarinta Biyuhu...



Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan, ayaa sheegtay in horumarinta adeegyada biyuhu ay ka mid tahay mudnaanta koowaad ee Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad, iyadoo xustay in qorshuhu yahay in adeegga biyaha la gaadhsiiyo dhammaan deegaannada laga hirgelin karo dalka.

 

Wasiir Kaltuun ayaa tilmaantay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu mudnaan gaar ah siiyey hirgelinta mashaariicda biyo-gelinta, si degmo kasta oo leh fursad biyo looga faa’iidaysan karo looga hirgeliyo adeegyo biyo oo waara.

 

Waxay sidoo kale sheegtay in Wasaaradda Horumarinta Biyuhu ay si joogto ah uga shaqaynayso ballaadhinta adeegyada biyaha, iyadoo iskaashi la samaynaysa hay’adaha dowladda iyo bah-wadaagta horumarinta si bulshada loo gaadhsiiyo biyo nadiif ah.

 

Marwo Kaltuun Sheekh Xasan ayaa tidhi: "Biyuhu waa mudnaanta koowaad ee Madaxweynaha Qaranka, waxaana mudnaan la siiyay in degmo kasta oo biyo laga heli karo laga hirgeliyo mashaariic biyo-gelin ah. Qorshaha Xukuumaddu waa in biyaha la gaadhsiiyo deegaan kasta.”

 

Wasiirku waxay xustay in ballaadhinta adeegyada biyuhu ay door muhiim ah ka qaadan doonaan horumarinta nolosha bulshada, caafimaadka, wax-soo-saarka iyo koboca dhaqaalaha dalka.



Loading...
Loading...