Maayirka Berbera Oo Ku Dhawaaqay Inuu Banneeyey Xilka, Kuna Baaqay Midnimo

0
Saturday July 25, 2026 - 14:10:39 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 153
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayirka Berbera Oo Ku Dhawaaqay Inuu Banneeyey Xilka, Kuna Baaqay Midnimo

    Maayir Cabdishakuur ayaa sheegay in go'aankiisu uu salka ku hayo danta guud...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maayir Cabdishakuur ayaa sheegay in go'aankiisu uu salka ku hayo danta guud...



Maayirka Degmada Berbera, Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin), ayaa ku dhawaaqay inuu banneeyey xilkii Maayirka Berbera, isagoo sheegay in isaga iyo Maayir Ku-xigeenkiisuba ay go’aansadeen inay si sharaf leh uga degaan xilalka ay hayeen.


 

Maayir Cabdishakuur ayaa sheegay in go’aankiisu uu salka ku hayo danta guud iyo ilaalinta midnimada bulshada Berbera, isagoo xusay inuu soo dhoweynayo isbeddel kasta oo dan u ah degmada iyo bulshada.



 

Waxa uu tilmaamay in aanu doonayn in kursigiisu noqdo sabab ay bulshada Berbera ugu kala qaybsanto ama uu keeno khilaaf, isla markaana uu doorbiday inuu xilka uga dego si sharaf leh.


 

Maayir Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) ayaa yidhi: "Waxaan go’aansaday in aan si sharaf leh xilka uga dago.”


 

Waxa uu intaas ku daray in go’aankiisu yahay mid uu ku ilaalinayo wadajirka bulshada Berbera, isagoo caddeeyey inuu diyaar u yahay inuu soo dhaweeyo isbeddel kasta oo lagu arko inuu dan u yahay degmada iyo shacabka.

Loading...
Loading...