Saylici Oo Dardaaran Qaran U Jeediyey Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Guurtida
Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa booqasho hambalyo iyo duco ah ugu tegay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Guurtida, Mudane Muuse Xaaji Cabdi Ducaale, isagoo ugu hambalyeeyey xilka qaran ee loo doortay.
Saylici ayaa sheegay inuu Alle uga baryayo Guddoomiyaha cusub inuu ku asturo gudashada masuuliyadda culus ee loo igmaday, isla markaana ku garab galo hoggaamin ku dhisan caddaalad, daacadnimo iyo ka shaqaynta danta qaranka.
Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ayaa sidoo kale ku ammaanay waayo-aragnimada dheer ee Guddoomiye Muuse ku soo qaatay Golaha Guurtida, isagoo sheegay inay saldhig u noqon doonto hoggaamin sii xoojisa nabadda, wadajirka bulshada iyo horumarka Somaliland.
Intii uu hadalkiisa watay, Saylici waxa uu Guddoomiyaha cusub kula dardaarmay inuu mar walba dhegeysto talada culimada, odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, si Golaha Guurtidu u sii ahaado hay’ad hormuud u ah xasilloonida, wadajirka iyo ilaalinta qarannimada Somaliland.
Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa yidhi: "Waxaan Guddoomiyaha uga hambalyeynayaa xilka qaran ee loo doortay, anigoo Alle uga baryaya inuu ku asturo gudashada masuuliyadda culus ee loo igmaday. Waayo-aragnimadiisa qotada dheer waxay saldhig wanaagsan u noqon doontaa hoggaaminta Golaha Guurtida maanta. Waxaan ku dhiirrigelinayaa inuu waayo-aragnimada iyo aqoonta ku hoggaamiyo Golaha Guurtida, isagoo danta qaranka ka hormarinaya wax kasta oo kale. Waxaan kula dardaarmayaa inuu mar walba dhegeysto talada culimada, dhaqanka, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxaan Alle uga baryayaa inuu u fududeeyo gudashada xilka loo doortay, kana dhigo hoggaamiye ku suntan caddaalad, dulqaad iyo daacadnimo.”


0 





