Somalilaniyo Reer Soolow Sidee Tiin,Seelashaa Rag Jiifaa, Seetona Ku Xidhan Tahay.Sebigay Dhaleeniyo,Sugayaan Dadkooda.
Bismilahi Alraxmaan Alraxiim.
[A.S.C.W.R.W.B] Tu Khaas Ahna,
Bahda H/W Iyo Akhristayasha.
1-Samir Qaadan Maayaan,
Sidan Xaal Intuu Yahay,
Suldaaniyo Xukuumado,
Samatalis Ma Leenahay.
2-Saciimiyo Shuyukhdiinu,
Sax Maydiin Tilmamaan,
Mise Waa Siyaasiyiinaan,
Saamaxada Sheegaynin.
3-Sankuneefleh Aadmigu,
Waxan Ay Samaysteena,
Sulux Ma Uga Baadheen?
Salguur Weeye Dhaqanki.
4-Seedi Iyo Xididnimadiina,
Somalilan Iyo Sool Bari,
Soodhiyo Dagaal Mooye,
Samahu Kama Shaqeyan.
5-Dantu Seeto Weeyaane,
Sanka Laysla Raacayo,
Siyaasigi Way Heshiiyee,
Sawjaradii Aya Maqan.
6-Si Kaleeto Lagu Waaye,
Saylada Xarash Geeya,
Sixirbararkan Baahaye,
Saameeyay Dunido Dhan,
Ku Sargoosta Qiimaynta.
Ismail Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





