Ciidanka Dab-demiska Oo Xakameeyey Dab Xooggan Oo Ka Kacay Beer Ku Taalla Magaalada Abdaal

0
Thursday July 23, 2026 - 15:03:35 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 62
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Dab-demiska Oo Xakameeyey Dab Xooggan Oo Ka Kacay Beer Ku Taalla Magaalada Abdaal

    Dabka ayaa ka kacay beer ku dhow Hotel Jannaale, iyadoo ay ku hareeraysnaayeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dabka ayaa ka kacay beer ku dhow Hotel Jannaale, iyadoo ay ku hareeraysnaayeen



Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta Jamhuuriyadda Somaliland ee Gobolka Saaxil, gaar ahaan magaalada Berbera, ayaa kaashanaya maamulka gobolka, Ciidanka Booliska iyo shacabka deegaanka Abdaal, ku guulaystay inay damiyaan dab xooggan oo habeenimadii xalay ka kacay beer ku taalla magaalada Abdaal.



 

Dabka ayaa ka kacay beer ku dhow Hotel Jannaale, iyadoo ay ku hareeraysnaayeen beero kale oo badan, taas oo sare u qaaday halista ahayd inuu dabku ku fido dhul-beereedyo kale.


 

Ciidanka Dab-demiska ayaa hawlgal degdeg ah kadib ku guulaystay inay dabka xakameeyaan, iyagoo ka hortagay inuu ku faafo beerihii isku xidhnaa ee degmada, taas oo yareysay khasaaraha ka dhalan karay dabka.


 

Hawlgalka waxaa Ciidanka ku wehelinayey masuuliyiin uu hoggaaminayey Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Saaxil, Mudane Maxamuud Hindi Aw Aadan, kuwaas oo ka qayb qaatay isku-duwidda gurmadka.


 

Ugu dambayn, Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta ayaa bulshada ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah xilliyada ay dhacaan dabaylaha xooggan, si looga hortago dababka ka dhasha beeraha iyo dhul-daaqsimeedka, isla markaana loo ilaaliyo badbaadada bulshada iyo hantidooda.

Loading...
Loading...