Xalka Muranka Doorashooyinka Somailand
Waxaan jeclaystay inaan idinla wadaago xalka arrimaha doorashooyinka Somaliland oo ay soo jeediyeen muwaadiniin reer Somaliland ah, oo loo gudbin doono dhinacyadda ay khusayso si aad fikirkaaga ugu biiriso inta aan si rasmi ah loo gudbin.
1. Komishanka Doorashooyinka
Kow, waxaa haboon in saddexda xisbi mid walba loo qoondooyeo laba xubnood, halka xubinta todobaadna loo qoondeeyo Madaxweynaha. Sidaa awgeed, xisbiga taladda hayaa wuxuu yeelnayaa 3 xubnood, oo laba uu magacaabo gudoomiayah xisbiga, midna mdaxaweynuhu (Haddii ay kala duwan yihiin).
Labba: in xisbi waliba marka keeno liiska saddex xubnood oo Golaha Guurtidu uu lab aka xulo, iyadoo xubinta saddexaad ee la reebaana noqon doonto kayd
Saddex, Golaha Guurtidu waxaa haboon inaanay waxba soo magacaabin, balse uu golahaasi yeesho awoodaha soo socda (Taasoo la macno ah in Komishanka loo daayo 7 xubnopod, balse saamiga la bedelo)
Labba arrimood ayaa u baahan in la is-waafajiyo dimoqraadiyadda ku salaysan one-man-one-vote iyo awood qaybsiga. Sidaa awgeed ay muwaadiniintaasi soo jeediyeen in labadda gole ee xeer dejinta saami qaybsigoodu ku salaysnaado sida soo soocta.
Golaha Guurtida
Waxaa haboon in la soo xulo, oo aan doorasho laga dhigin, isla markaana tiro isle'eg laga soo xulo beelaha Somaliland (Ilaa lix beelood ayaa lagu tilmaamay inay Somaliland degaan) si dheeli-tir loogu helo codka beelaysan ee Golaha Wakiiladda lagu doorto.
Golaha Wakiiladda
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!