Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Oo Ka Digay Boorsooyinka Aroosyada, Sheegayna In Go'aanno Laga Soo Saarayo

0
Wednesday July 22, 2026 - 15:13:16 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 49
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Oo Ka Digay Boorsooyinka Aroosyada, Sheegayna In Go'aanno Laga Soo Saarayo

    Wasiirka ayaa sheegay in caadooyinka qaarkood ee ku xeeran aroosyadu ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka ayaa sheegay in caadooyinka qaarkood ee ku xeeran aroosyadu ...



Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdillaahi Baashe, ayaa sheegay in Wasaaraddu ay qorshaynayso inay soo saarto go’aanno lagaga hortagayo dhaqanka boorsooyinka lagu geeyo aroosyada, isagoo ku tilmaamay arrin culays dhaqaale iyo niyad-jab ku keenta dhallinyarada aan awoodda dhaqaale u lahayn.



 

Wasiirka ayaa sheegay in caadooyinka qaarkood ee ku xeeran aroosyadu ay caqabad ku yihiin dhallinyarada doonaysa inay guursato, isla markaana ay muhiim tahay in bulshada laga wacyigeliyo sidii loo yarayn lahaa kharashaadka aan daruuriga ahayn ee la xidhiidha guurka.


 

Mudane Cabdillaahi Baashe ayaa yidhi: "Waxa aanu go’aammo ka soo saari doonnaa boorsooyinka aroosyada la geeyo ee ka nixinaya dhallinyarada aan waxba haynin.”


 

Wasiirka ayaa xusay in Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu ay sii wadi doonto dadaallada lagu dhiirrigelinayo fududaynta guurka iyo ka hortagga dhaqamada culayska dhaqaale ku noqda bulshada, gaar ahaan dhallinyarada, si loo xoojiyo qiyamka bulshada loona dhiirrigeliyo guur sahlan oo waafaqsan diinta Islaamka.

Loading...
Loading...