Siyaasi Maxamed Nuur Carraale (Duur) Oo Ka Digay Halista Balwadaha
Siyaasi Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa ka digay saamaynta ay balwaduhu ku leeyihiin bulshada, isaga oo sheegay inay sababaan dhibaatooyin kala duwan oo waxyeello u geysta caafimaadka, dhaqaalaha iyo mustaqbalka bulshada.
Duur ayaa xusay in mukhaadaraadka iyo balwadaha kale ay Somaliland uga soo gudbaan dalalka deriska ah, isagoo carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in la xoojiyo dadaallada lagaga hortagayo faafitaankooda iyo sidii bulshada looga wacyigelin lahaa khataraha ay leeyihiin.
Siyaasi Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa yidhi: "Dhibaato badan bay balwaddu leedahay, dalalka deriskana way innaga soo gashaa.”
Waxa uu ugu baaqay hay’adaha ay khusayso iyo bulshada inay iska kaashadaan la-dagaallanka balwadaha, si loo ilaaliyo caafimaadka bulshada loona yareeyo saamaynta ay ku yeelan karaan jiilka da’yarta iyo horumarka


0 





