Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Abaal-mariyey Guddiyadii Qabtay Shirweynaha Hay'adaha Garsoorka

0
Tuesday July 21, 2026 - 12:33:39 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 42
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Abaal-mariyey Guddiyadii Qabtay Shirweynaha Hay'adaha Garsoorka

    Masuuliyiintii hadalka ka jeediyey munaasabadda ayaa si weyn u bogaadiyey...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiintii hadalka ka jeediyey munaasabadda ayaa si weyn u bogaadiyey...


May be an image of one or more people, dais and text


Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta abaal-marin guddoonsiiyey guddiyadii door weyn ka qaatay diyaarinta iyo qabsoomidii Shirweynihii Hay’adaha Garsoorka ee dhawaan lagu qabtay magaalada Hargeysa.


 

Munaasabadda oo ka dhacday Hoolka Shirarka ee Maxkamadda Sare ayaa waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, masuuliyiin ka socday hay’adaha garsoorka iyo wakiillo ka socday Ururka Qareennada Somaliland.


 

Masuuliyiintii hadalka ka jeediyey munaasabadda ayaa si weyn u bogaadiyey hawlkarnimada iyo dedaalka ay muujiyeen guddiyadii qabanqaabada, iyagoo xusay in guusha shirweynuhu ay ka dhalatay wada-shaqayn, isku-duwid iyo dadaal ay muujiyeen xubnihii ka shaqaynayey.


 

Waxa kale oo ay tilmaameen in Shirweynihii Hay’adaha Garsoorku uu gacan ka geystay xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha garsoorka, is-weydaarsiga khibradaha iyo horumarinta nidaamka caddaaladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.


 

Munaasabadda ayaa ku soo dhammaatay guddoonsiinta shahaadooyin iyo abaal-marinno lagu maamuusay guddiyadii kaalin muuqata ka qaatay hirgelinta shirweynaha, iyadoo lagu dhiirrigeliyey inay sii wadaan dedaalka ay ugu adeegayaan horumarinta garsoorka dalka.

May be an image of one or more people, dais and text
May be an image of one or more people, beard, dais and text
May be an image of one or more people, dais and text



Loading...
Loading...