Ciidanka Booliska Somaliland Oo Ka Bilaabay Wajaale Mashruuc Ballaadhan Oo Wax-soo-saar Beeraha Ah
Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka hirgeliyey deegaanka Wajaale mashruuc ballaadhan oo dhinaca beeraha ah, iyadoo laga qoday dhul beereed ay maamulaan ciidanka, si kor loogu qaado wax-soo-saarka gudaha iyo isku-filnaanshaha cuntada.
Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan, oo booqasho ku tegay Beerta Ciidanka ee Wajaale, ayaa sheegay in ciidanku qodeen dhul gaadhaya 950 hektar, isagoo xusay in inta badan dalaggii la beerayna uu hadda soo baxay.
Taliyaha ayaa sheegay in mashruucan uu qayb ka yahay hirgelinta qorshe uu hore u jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kaas oo ku aaddan kordhinta wax-soo-saarka gudaha si dalka loogu gaadho isku-filnaansho dhinaca cuntada ah.
Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa yidhi: "Annaga oo fulinayna istaraatiijiyaddii Madaxweynaha, waxaannu beeranay 950 hektar.”
Masuuliyiinta Ciidanka Booliska ayaa tilmaamay in mashruucani uu yahay mid lagu taageerayo dadaallada qaran ee lagu horumarinayo beeraha, lagu kordhinayo wax-soo-saarka gudaha, isla markaana lagu xoojinayo sugnaanta cuntada ee dalka.


0 





