Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha Oo Shir Amni La Qaatay Guddida Amniga Gobolka Awdal
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo), ayaa shir muhiim ah la yeeshay Guddida Amniga Gobolka Awdal, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo dardargelinta wada-shaqaynta hay’adaha amniga.
Kulanka ayaa lagaga wada hadlay xaaladda guud ee amniga gobolka, adkaynta wada-shaqaynta u dhexaysa hay’adaha amniga iyo maamulka gobolka, iyo sidii loo sii xoojin lahaa qorshayaasha lagu ilaalinayo nabadda, xasilloonida iyo badbaadada shacabka Gobolka Awdal.
Wasiiru-dawlaha ayaa ku bogaadiyey Guddida Amniga Gobolka Awdal dedaalka ay ugu jiraan sugidda amniga iyo ilaalinta xasilloonida gobolka, isagoo ku boorriyey inay sii labanlaabaan wada-shaqaynta, isku-duwidda hawlaha amniga iyo u adeegidda bulshada.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha amniga iyo maamulka gobolka, si loo sii adkeeyo nabadda iyo xasilloonida Gobolka Awdal loona xaqiijiyo amniga shacabka.


0 





