Jaamacadaha Camuud Iyo Jimma Oo Kala Saxeexday Heshiis Lagu Xoojinayo Iskaashiga Tacliinta Sare

0
Tuesday July 21, 2026 - 11:59:24 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 46
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaamacadaha Camuud Iyo Jimma Oo Kala Saxeexday Heshiis Lagu Xoojinayo Iskaashiga Tacliinta Sare

    Heshiiska ayaa dhigaya in labada jaamacadood ay iska kaashadaan...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Heshiiska ayaa dhigaya in labada jaamacadood ay iska kaashadaan...



Jaamacadda Camuud ee Somaliland iyo Jaamacadda Jimma ee dalka Itoobiya ayaa kala saxeexday heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada tacliinta sare, cilmi-baadhista, hal-abuurka iyo horumarinta aqoonta.


 

Heshiiska ayaa dhigaya in labada jaamacadood ay iska kaashadaan kor u qaadista tayada waxbarashada sare, horumarinta cilmi-baadhista, dhiirrigelinta hal-abuurka iyo fulinta barnaamijyo ay si wadajir ah uga faa’iidaysan doonaan labada dhinac.



 

Sidoo kale, heshiiska waxaa qayb muhiim ah ka ah is-weydaarsiga ardayda iyo macallimiinta, iyadoo la doonayo in la abuuro fursado lagu wadaago khibradaha, aqoonta iyo dhaqamada waxbarasho ee labada jaamacadood.


 

Masuuliyiinta labada jaamacadood ayaa sheegay in heshiiskan uu xoojinayo xidhiidhka tacliimeed ee u dhexeeya labada hay’adood, isla markaana uu door weyn ka qaadan doono horumarinta tayada waxbarashada sare, cilmi-baadhista iyo iskaashiga gobolka.

Loading...
Loading...