Wasiirka Qorshaynta Oo Guddoomisay Shirka Guddida Sare Ee Mashruuca Hagaajinta Maamulka Dhulka Iyo Biyaha

0
Monday July 20, 2026 - 17:44:58 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 70
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Qorshaynta Oo Guddoomisay Shirka Guddida Sare Ee Mashruuca Hagaajinta Maamulka Dhulka Iyo Biyaha

    Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta fulinta mashruuca,..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta fulinta mashruuca,..


May be an image of one or more people, dais, newsroom and text


Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan, ayaa maanta guddoomisay shirka Guddida Sare ee Hagidda Mashruuca Hagaajinta Maamulka Dhulka iyo Biyaha, kaas oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

 

Shirka waxaa ka qayb galay Wasiirrada Wasaaradaha Beeraha, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Xannaanada Xoolaha, iyo maamulka fulinta mashruuca oo ay metelayeen Maxamed Faarax iyo Ibraahim Carab. Waxa kale oo kulanka goob-joog ka ahaa la-taliyeyaal iyo masuuliyiin ka socday hay’adaha ay mashruucu khusayso.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta fulinta mashruuca, xoojinta iskaashiga hay’adaha wada shaqeeya iyo isku-duwidda qorshayaasha lagu horumarinayo maamulka dhulka iyo biyaha. Xubnaha guddida ayaa is dhaafsaday talooyin iyo qorsheyaal lagu dedejinayo hirgelinta mashruuca iyo sidii loo gaadhi lahaa himilooyinkiisa.

 

Mashruucan ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta sugnaanta cuntada iyo kor u qaadista wax-soo-saarka xoolaha iyadoo la hagaajinayo maamulka iyo maaraynta khayraadka dhulka iyo biyaha. Sidoo kale, waxa uu hiigsanayaa ka hortagga nabaad-guurka ciidda, kordhinta kaydinta iyo uruurinta biyaha roobka, iyo xoojinta dib-u-buuxinta biyaha dhulka hoostiisa mara.

 

Masuuliyiintii ka qayb gashay kulanka ayaa adkeeyey muhiimadda iskaashiga hay’adaha dowladda iyo dardargelinta hirgelinta mashruuca, si loo gaadho horumar waara oo dhinacyada deegaanka, beeraha iyo xannaanada xoolaha ah, isla markaana loo xoojiyo adkaysiga bulshada ee isbeddelka cimilada.

May be an image of one or more people and text




Loading...
Loading...