Jiif-caaqil Rashiid Jaambiir: "Maanta Ayay Dib U Curatay Midnimadii Somaliland"
Jiif-caaqil Rashiid Jaambiir ayaa sheegay in maanta ay dib u curatay midnimadii Somaliland, isla markaana bulshada Somaliland ay u midoobayso ilaalinta qarannimada iyo adkaynta wadajirka shacabka.
Isagoo ka hadlayey munaasibadda soo dhoweynta Fihiima Quuje, Jiif-caaqilka ayaa ku tilmaamay inay hormuud u tahay curashada Somaliland oo mideysan, isagoo xusay in tallaabadeedu ay astaan u tahay dib-u-heshiisiin iyo xoojinta wadajirka bulshada.
Jiif-caaqil Rashiid Jaambiir ayaa yidhi: "Bilawgii Somaliland oo midawda ayaa maanta curatay.”
Waxa kale oo uu sheegay in bulshada Somaliland ay taariikh ahaan caan ku tahay xalinta khilaafaadka iyo dib-u-heshiisiinta marka ay dhacaan kala aragti duwanaansho, isagoo xusay in mar kasta ay awoodaan inay ka gudbaan caqabadaha oo ay dib ugu soo laabtaan wadajir iyo iskaashi.
Ugu dambayn, Jiif-caaqil Rashiid Jaambiir ayaa sheegay in tallaabada ay qaaday Fihiima Quuje ay albaabka u furtay bog cusub oo lagu xoojinayo midnimada, wadajirka iyo ilaalinta qarannimada Somaliland.


0 





