Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Guurtida Oo Kulan Dardargelin Shaqo La Qaatay Shaqaalaha Golaha

0
Monday July 20, 2026 - 17:37:22 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 84
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Guurtida Oo Kulan Dardargelin Shaqo La Qaatay Shaqaalaha Golaha

    Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Mudane Muuse Xaaji Cabdi Ducaale,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Mudane Muuse Xaaji Cabdi Ducaale,


May be an image of one or more people and dais


Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Xaaji Cabdi Ducaale, oo uu wehelinayey Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha, Mudane Axmed Maxamed Cabdi Shide, ayaa maanta kulan la yeeshay Xoghayaha Guud ee Golaha, Ku-xigeenka Xoghayaha Guud, Agaasimayaasha Waaxyaha, Madaxda Qaybaha iyo shaqaalaha Golaha Guurtida.


 

Kulanka oo ahaa mid isbarasho iyo dardargelin shaqo ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa hufnaanta shaqada Golaha iyo doorka ay shaqaaluhu ku leeyihiin fulinta hawlaha Golaha Guurtida.


 

Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Mudane Muuse Xaaji Cabdi Ducaale, ayaa shaqaalaha ku boorriyey inay sii laba jibbaaraan dedaalkooda, isla markaana ay si masuuliyad leh u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday, si loo xoojiyo tayada shaqada Golaha.


 

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Axmed Maxamed Cabdi Shide, ayaa isaguna ku dhiirrigeliyey shaqaalaha inay sii xoojiyaan wada-shaqaynta, kartida iyo dadaalka ay ugu adeegayaan Golaha Guurtida iyo qaranka.


 

Dhankiisa, Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida, Mudane Cabdinaasir Aadan Beegsi, ayaa warbixin ka bixiyey qaab-dhismeedka shaqaalaha Golaha iyo shaqooyinka ay qabtaan, isagoo sheegay in shaqaaluhu yihiin kuwo aqoon iyo khibrad u leh waajibaadkooda isla markaana ay laf-dhabar u yihiin hawlaha Golaha Guurtida.

May be an image of dais
May be an image of one or more people and dais
May be an image of one or more people
May be an image of one or more people, dais and text
May be an image of one or more people and dais
May be an image of one or more people, dais and text
May be an image of one or more people
May be an image of one or more people
May be an image of one or more people and dais
May be an image of one or more people, eyewear and dais
May be an image of one or more people, beard and hookah
May be an image of one or more people

Loading...
Loading...