Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Caafimaadka Oo Taiwan Kala Hadlay Xoojinta Iskaashiga Caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa booqasho shaqo ku tegay Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Taiwan, halkaas oo ay kulamo kula yeesheen masuuliyiinta iyo maamulka sare ee Wasaaradda.
Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan ee dhinaca caafimaadka, iyadoo laga wada hadlay sidii loo horumarin lahaa adeegyada caafimaadka, loo ballaadhin lahaa iskaashiga farsamo iyo is-weydaarsiga khibradaha caafimaad.
Agaasimaha Guud iyo waftigiisa ayaa masuuliyiinta Taiwan u soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda adeegyada caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland, mudnaanta ay Wasaaraddu leedahay, baahiyaha taagan iyo qorshayaasha lagu tayeynayo adeegyada caafimaadka dalka.
Masuuliyiinta labada dhinac ayaa adkeeyey muhiimadda sii xoojinta iskaashiga caafimaadka, iyagoo muujiyey sida ay uga go’an tahay horumarinta mashaariicda iyo barnaamijyada wax ku oolka ah ee kor loogu qaadayo tayada adeegyada caafimaadka.
Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ku xoojinayso iskaashiga caalamiga ah, taageerada farsamo iyo is-dhaafsiga khibradaha, si loo horumariyo adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland.



![]() |
![]() |
![]() |



0 








