Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda Oo Booqday Safaaradda Somaliland Ee Kenya

0
Sunday July 19, 2026 - 14:36:30 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 74
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda Oo Booqday Safaaradda Somaliland Ee Kenya

    Wafdiga ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdiga ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ....

May be an image of one or more people



Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Aadan Cabdillaahi Cabdalle, iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda oo uu hoggaaminayey, ayaa booqasho ku tegay Safaaradda Somaliland ay ku leedahay dalka Kenya, xilli ay safar shaqo ku joogaan magaalada Nairobi.

 

Wafdiga ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ee Kenya, Ambassador Sharmaarke Geelle, kaas oo uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen xarunta safaaradda.

 

Kulanka ayaa lagu lafaguray arrimo la xidhiidha xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda iyo Safaaradda Somaliland ee Kenya, gaar ahaan dhinacyada isgaadhsiinta, tiknoolajiyadda iyo fududeynta hawlaha shaqo ee labada dhinac.

 

Booqashadan ayaa qayb ka ah safarka shaqo ee wafdiga Wasaaradda ay ku joogaan dalka Kenya, iyadoo ujeeddadeedu tahay xoojinta xidhiidhka hay’adaha dowladda iyo dardargelinta iskaashiga la xidhiidha horumarinta adeegyada isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda.


May be an image of one or more people
No photo description available.


Loading...
Loading...