Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Dhaariyey Xildhibaan Ku Biiray Golaha Guurtida

0
Saturday July 18, 2026 - 15:37:26 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 26
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Dhaariyey Xildhibaan Ku Biiray Golaha Guurtida

    Dhaarinta ayaa qayb ka ah habraacyada dastuuriga ah ee lagu dhamaystirayo...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhaarinta ayaa qayb ka ah habraacyada dastuuriga ah ee lagu dhamaystirayo...


May be an image of dais and text


Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta dhaariyey Xildhibaan Maxamed Diiriye Faarax, kaas oo si rasmi ah uga mid noqday Golaha Guurtida Somaliland.


 

Xildhibaan Maxamed Diiriye Faarax ayaa buuxin doona kursigii Golaha Guurtida ee uu baneeyey Guddoomiyihii hore ee Golaha Guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, kaddib markii loo doortay Guddoomiyaha Golaha Guurtida.


 

Dhaarinta ayaa qayb ka ah habraacyada dastuuriga ah ee lagu dhamaystirayo buuxinta xubnaha Golaha Guurtida, si loo xaqiijiyo sii socoshada waajibaadka Golaha iyo gudashada hawlaha sharciyeed ee horyaalla.


 

Munaasabadda dhaarinta ayaa lagu qabtay si waafaqsan shuruucda dalka, iyadoo Xildhibaan Maxamed Diiriye Faarax uu si rasmi ah u bilaabay gudashada waajibaadka xubinnimada Golaha Guurtida Somaliland.

Loading...
Loading...