Marwo Faadumo Siciid Oo Bulshada Ku Dhiirrigelisay Bixinta Cashuurta, Xukuumaddana Ka Dalbatay Daahfurnaan

0
Saturday July 18, 2026 - 15:30:43 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 18
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marwo Faadumo Siciid Oo Bulshada Ku Dhiirrigelisay Bixinta Cashuurta, Xukuumaddana Ka Dalbatay Daahfurnaan

    Waxay sheegtay in adeegyada muhiimka ah ee ay dawladdu bulshada...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay sheegtay in adeegyada muhiimka ah ee ay dawladdu bulshada...



Marwo Faadumo Siciid ayaa bulshada Somaliland ku boorrisay inay gutaan waajibaadka ka saaran bixinta cashuuraha, iyadoo sheegtay in cashuurtu ay laf-dhabar u tahay sugidda amniga, bixinta mushaharka ciidamada iyo hirgelinta adeegyada horumarineed ee dalka.


 

Waxay sheegtay in adeegyada muhiimka ah ee ay dawladdu bulshada u qabato ay ku tiirsan yihiin cashuuraha ay bixiyaan shacabka, isla markaana ay muhiim tahay in qof kastaa ka qayb qaato waajibaadkaas si loo xoojiyo horumarka iyo xasilloonida dalka.



 

Marwo Faadumo Siciid ayaa dhinaca kale ugu baaqday xukuumadda inay bulshada si hufan ugu soo bandhigto halka ay ku baxaan dakhliga cashuuraha iyo sida loogu adeegayo amniga, ciidamada iyo mashaariicda horumarinta dalka.


 

Marwo Faadumo Siciid ayaa hadalkeeda ku tidhi: "Nabadgelyadu waa nabadgelyadeeni, horumarku waa horumarkeeni, cashuurtu waa waajib ina saaran. Guriga, baabuurta iyo waddo maristaba waynu ka bixinnaa, marka cashuurtu waa ta la inoogu shaqaynayo, amnigeennana lagu sugayo, ciidamadeenna musharkooda, daryeelkooda iyo cuntadoodaba lagu daboolayo. Waxaan xukuumadda ka codsanayaa in bulshada loo soo bandhigo sida ay cashuurtu u baxdo, sida ay nabadgelyada u sugayso iyo sida ay uga qayb qaadanayso horumarinta dalka.”

Loading...
Loading...