Guddida Joogtada Ee Golaha Wakiillada Oo Kormeer Shaqo Ku Tagtay Wasaaradda Caafimaadka

0
Saturday July 18, 2026 - 15:26:09 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 16
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Joogtada Ee Golaha Wakiillada Oo Kormeer Shaqo Ku Tagtay Wasaaradda Caafimaadka

    Masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa Guddida siiyey ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa Guddida siiyey ....



Guddida Joogtada iyo Anshaxa ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu hoggaaminayey Mudane Maxamuud Xayir Ducaale, ayaa kormeer shaqo ku tagtay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.


 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda adeegyada caafimaadka ee dalka, horumarka laga sameeyey, caqabadaha jira iyo qorshayaasha Wasaaraddu u dejisay horumarinta adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada.



 

Masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa Guddida siiyey warbixin dhammaystiran, iyagoo ka jawaabay su’aalihii iyo weydiimihii la xidhiidhay waxqabadka Wasaaradda iyo qorshayaasha mustaqbalka.


 

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan xoojinta wada-shaqaynta u dhexaysa Golaha Wakiillada iyo Wasaaradda, iyadoo la adkeeyey muhiimadda kormeerka, isla-xisaabtanka iyo kor u qaadista tayada adeegyada caafimaadka ee bulshada loo fidiyo.

Loading...
Loading...