Wasiirka Waxbarashada Oo Gaadhay Gar'adag, Kulan La Qaatay Bulshada Iyo Masuuliyiinta Degmada SAWIRO

0
Thursday July 16, 2026 - 14:10:55 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 25
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Waxbarashada Oo Gaadhay Gar'adag, Kulan La Qaatay Bulshada Iyo Masuuliyiinta Degmada SAWIRO

    Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda waxbarashada ee degmada,...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda waxbarashada ee degmada,...


May be an image of text


Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa booqasho shaqo ku tagay degmada Gar’adag, halkaas oo uu kulan is-xogwaraysi iyo wada-tashi ah kula yeeshay maamulka degmada, cuqaasha, waxgaradka, masuuliyiinta waxbarashada, ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.


 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda waxbarashada ee degmada, baahiyaha jira iyo sidii loo xoojin lahaa adeegyada waxbarashada, iyadoo la dhagaystay talooyinka iyo aragtiyaha bulshada iyo masuuliyiinta deegaanka.


 

Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashadu ay ka go’an tahay horumarinta tayada waxbarashada iyo gaadhsiinta adeegyada waxbarasho dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka, isaga oo xusay in booqashooyinka noocan ahi ay muhiim u yihiin ogaanshaha baahiyaha dhabta ah ee bulshada.


 

Masuuliyiinta iyo bulshada degmada Gar’adag ayaa dhankooda soo dhaweeyey wafdiga Wasiirka, iyagoo muujiyey sida ay diyaar ugu yihiin inay la shaqeeyaan Wasaaradda si loo horumariyo waxbarashada iyo adeegyada bulshada ee degmada.

May be an image of lumberyard and text
May be an image of one or more people and text
May be an image of dais


Loading...
Loading...