Wasaaradda Deegaanka Iyo Hay'adda Xanaanaynta Harimacadka Oo Dib U Cusboonaysiiyey Heshiiska Iskaashiga SAWIRO

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud, Agaasimaha Waaxda Duurjoogta, La-taliyaha Wasaaradda iyo masuuliyiin kale, ayaa ka qayb galay munaasabad lagu dib u cusboonaysiinayey heshiiska iskaashiga ee u dhexeeya Wasaaradda iyo Hay’adda Xanaanaynta Harimacadka.
Heshiiska dib loo cusboonaysiiyey ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta dhinacyada ilaalinta duurjoogta, horumarinta iyo maareynta goobaha National Parks, ilaalinta kala-duwanaanshaha noolaha (Biodiversity), iyo daryeelka khayraadka dabiiciga ah.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyey in la xoojiyo cilmi-baadhista, tababarrada xirfadeed iyo barnaamijyada wacyigelinta bulshada, si kor loogu qaado fahamka iyo ilaalinta deegaanka.
Masuuliyiinta ayaa adkeeyey sida ay uga go’an tahay sii wadista iskaashi wax-ku-ool ah oo gacan ka geysanaya ilaalinta deegaanka iyo xaqiijinta in khayraadka dabiiciga ahi uu sii jiro, kana faa’iidaystaan jiilasha maanta iyo kuwa mustaqbalka.








![]() |
![]() |
![]() |
![]() |


0 









