Madaxweyne Cirro Oo Qaabilay Qoraaga Buugga Taariikhda Waxbarashada Somaliland

0
Thursday July 16, 2026 - 13:45:18 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 49
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Cirro Oo Qaabilay Qoraaga Buugga Taariikhda Waxbarashada Somaliland

    Kulanka ayaa lagu lafa-guray muhiimadda uu buuggu u leeyahay kaydinta...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka ayaa lagu lafa-guray muhiimadda uu buuggu u leeyahay kaydinta...


May be an image of dais and text


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta qaabilay Dr. Cabdillaahi Aw Diiriye, oo ah qoraaga buugga A Brief History of Formal Education in British Somaliland Protectorate (1884–1960), kaas oo ka warramaya taariikhda waxbarashada rasmiga ah ee Somaliland xilligii Maxmiyaddii Ingiriiska.


 

Kulanka ayaa lagu lafa-guray muhiimadda uu buuggu u leeyahay kaydinta taariikhda waxbarashada dalka iyo sidii jiilasha cusub uga faa’iidaysan lahaayeen xogaha iyo daraasadaha uu xambaarsan yahay.


 

Waxaa la qorsheeyey in buugga si rasmi ah loogu soo bandhigo magaalada Hargeysa 17-ka bishan, iyadoo la filayo inay ka soo qaybgalaan masuuliyiin, aqoonyahanno iyo bahda waxbarashada.


 

Dr. Cabdillaahi Aw Diiriye, oo muddo dheer khabiir uga soo shaqaynayey Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), ayaa sidoo kale caan ku ah qorista buugaag cilmiyeed iyo kuwo taariikheed oo bulshada u leh muhiimad gaar ah.

Loading...
Loading...