Madax-dhaqameedka Togdheer Oo Bulshada Ku Dhiirrigeliyey Bixinta Cashuuraha
Qaar ka mid ah madax-dhaqameedka Gobolka Togdheer ayaa bulshada ugu baaqay inay si joogto ah u bixiyaan cashuuraha, iyagoo sheegay in cashuurtu tahay laf-dhabarta horumarka, amniga iyo dhismaha qaranka.
Madax-dhaqameedku waxay xuseen in dakhliga cashuuraha lagu hirgeliyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, sida dhismaha waddooyinka, bixinta mushaharrada shaqaalaha dowladda, horumarinta adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha.
Waxay bulshada ku boorriyeen inay fahmaan muhiimadda ay cashuurtu u leedahay koboca dalka, iyagoo tilmaamay in aan la gaadhi karin horumar waara haddii la diido bixinta cashuuraha.
"In aynu horumar doonno, iyo in aynu cashuurta diidno isma qabanayso. Cashuurtu waa dhismaha dalka, waa horumarintiisa, sida waddooyinka, mushaharka, caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha, waana shilin aan badnayn balse laf-dhabar u ah geeddi-socodka dalka,” ayay yidhaahdeen madax-dhaqameedka Gobolka Togdheer.


0 





