Madaxweyne Cirro Iyo Safiirka Ingiriiska Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Iyo Aqoonsiga Somaliland
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan istaraatiiji ah kula yeeshay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska (UK), Charles King, oo ay wehelinaysay Wakiilka Guud ee Xafiiska Ingiriiska ee Somaliland, Louise Hancock.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka taariikhiga ah iyo iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska. Madaxweyne Cirro ayaa uga mahadceliyey Ingiriiska taageerada uu siiyo Somaliland, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, tayeynta hay'adaha amniga, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xoojinta dimuqraadiyadda.
Madaxweynuhu waxa uu Safiirka la wadaagay mudnaanta horumarineed ee xukuumaddiisa, isaga oo tilmaamay in labada dhinac ay sii ballaadhin karaan iskaashiga dhinacyada biyaha, la qabsiga isbeddelka cimilada, tamarta, amniga, waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga, maalgashiga iyo horumarinta hay'adaha dowladda.
Sidoo kale, Madaxweyne Cirro ayaa mar kale caddeeyey in geeddi-socodka aqoonsi-raadiska Somaliland uu yahay mid aan laga noqon karin, isaga oo Boqortooyada Ingiriiska ugu baaqay inay door muuqda ka qaadato arrinta aqoonsiga Somaliland.
Dhankiisa, Safiirka Boqortooyada Ingiriiska, Charles King, ayaa bogaadiyey amniga, xasilloonida, dimuqraadiyadda iyo horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay, isaga oo ku tilmaamay tusaale wanaagsan oo gobolka laga daydo. Waxa uu sidoo kale xaqiijiyey in Dowladda Ingiriisku sii wadi doonto taageerada iyo iskaashiga ay la leedahay Somaliland.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo ballanqaad lagu xoojinayo wada-shaqaynta istaraatiijiga ah ee u dhexeysa Jamhuuriyadda Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska.


0 





