Rooda Cabdi Muuse: "Ma Tegi Doono Shirka Golaha Dhexe Ee KULMIYE"
Rooda Cabdi Muuse, oo hore u ahayd Guddoomiyihii Ururkii Ogaal ka hor intii aanu ku biirin Xisbiga KULMIYE, ayaa shaacisay inaanay ka qayb geli doonin Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE ee la qorsheeyey.
Rooda ayaa sheegtay in go’aankeedu salka ku hayo khilaafaad aan weli la xallin oo ka dhex jira dhinacyadii ay isku aragtida duwanaayeen, iyadoo xustay inaan la gaadhin heshiis ku qanciya dhammaan dhinacyada.
Waxay sheegtay in aanay diyaar u ahayn inay ka mid noqoto xubnaha lagu soo xulayo liiska shirka, iyadoo si toos ah u tilmaantay inaanay aqbalayn habka uu u socdo abaabulka shirka.
"Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE ee la qabanayo, waxaan halkan ka sheegayaa haddii aan Rooda ahay inaanan ka mid ahayn oo aanan tegaynin. Sababtu waxay tahay mar haddii raggii aanu is haynay aannaan heshiinin, waxa aan doonayeyna aan la helin, anigu tegi maayo shirkaa, mana noqonayo kuwa uu liistaynayo Xinif,” ayay tidhi Rooda Cabdi Muuse.


0 





