Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo La Kulmay Wefti Sare Oo Ka Socday Dowladda Ingiriiska

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay wefti heer sare ah oo ka socday Dowladda Boqortooyada Ingiriiska, kuwaas oo booqasho shaqo ku joogay Somaliland.
Weftiga Ingiriiska ayaa isugu jiray masuuliyiin ka socday Xafiiska Dowladda Ingiriiska ee Somaliland, Safiirka Boqortooyada Ingiriiska iyo masuul ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga Ingiriiska. Dhinaca Wasaaradda Arrimaha Gudaha, kulanka waxaa hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga, iyadoo ay ku wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan wasaaradda.
Intii uu kulanku socday, Wasiir Cabdalle Maxamed Carab ayaa ka hadlay xidhiidhka taariikhiga ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in iskaashiga labada dhinac loo sii qaado heer istaraatiiji ah, gaar ahaan dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo ka hortagga khataraha amni ee gobolka.
Wasiirku waxa uu sidoo kale soo bandhigay qorshayaasha Wasaaradda ee la xidhiidha casriyeynta iyo dib-u-habaynta hay’adaha amniga, isaga oo xusay in qorshaha Somaliland National Operations Command Centre (SL-NOCC) uu door muhiim ah ka qaadan doono isku-dubbaridka hay’adaha amniga, wadaagga xogta iyo maaraynta xaaladaha degdegga ah.
Dhinacooda, masuuliyiinta Dowladda Ingiriiska ayaa soo dhaweeyey qorshayaasha dib-u-habaynta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dadaallada lagu horumarinayo awoodda hay’adaha amniga Somaliland. Labada dhinac ayaa ugu dambayn adkeeyey inay sii xoojinayaan wada-shaqaynta dhinacyada amniga, xasilloonida iyo arrimaha istaraatiijiga ah ee danaha wadaagga ah.
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |


0 
















