Guddoomiyaha Cusub Ee Guurtida Oo Bogaadiyey Hoggaankii Saleebaan Maxamuud Aadan

0
Sunday July 12, 2026 - 14:10:22 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Cusub Ee Guurtida Oo Bogaadiyey Hoggaankii Saleebaan Maxamuud Aadan

    Guddoomiye Muuse ayaa ku tilmaamay Saleebaan Maxamuud Aadan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye Muuse ayaa ku tilmaamay Saleebaan Maxamuud Aadan



Guddoomiyaha cusub ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Xaaji Cabdi Ducaale, ayaa si weyn u ammaanay guddoomiyihii xilka ka degay, Saleebaan Maxamuud Aadan, isaga oo ku bogaadiyey kaalintii muuqata iyo dedaalkii dheeraa ee uu ku bixiyey dhismaha Qaranka Somaliland iyo hoggaaminta Golaha Guurtida.



 

Guddoomiye Muuse ayaa ku tilmaamay Saleebaan Maxamuud Aadan hoggaamiye qaran oo muddo dheer si hufan, daacadnimo iyo xilkasnimo leh ugu adeegay dalka iyo shacabka, isla markaana raad muuqda ku reebay taariikhda Golaha Guurtida iyo geeddi-socodka dhismaha hay’adaha qaranka.


 

Waxa uu sheegay in hoggaankii iyo waxqabadkii Saleebaan ay door muhiim ah ka qaateen xasilloonida, wada-tashiga iyo horumarinta Golaha Guurtida intii uu xilka hayey.


 

"Waxaan u mahadcelinayaa Guddoomiye Saleebaan oo dalkan tacab badan gashaday,” ayuu yidhi Guddoomiyaha cusub ee Golaha Guurtida, Muuse Xaaji Cabdi Ducaale.

Loading...
Loading...