Afar Mudane Oo Ka Duwanaaday Golaha Xilligii La Ansixinayey Iscasilaadda Guddoomiye Saleebaan

0
Sunday July 12, 2026 - 14:05:46 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 113
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afar Mudane Oo Ka Duwanaaday Golaha Xilligii La Ansixinayey Iscasilaadda Guddoomiye Saleebaan

    Iscasilaadda Guddoomiye Saleebaan ayaa waxaa oggolaaday 69 mudane

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iscasilaadda Guddoomiye Saleebaan ayaa waxaa oggolaaday 69 mudane



Fadhigii taariikhiga ahaa ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta lagu ansixiyey iscasilaadda Guddoomiyihii Golaha, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa waxaa ka dhex muuqday afar mudane oo aan ku biirin codkii aqlabiyadda Golaha.


 

Iscasilaadda Guddoomiye Saleebaan ayaa waxaa oggolaaday 69 mudane, halka laba mudane ay diideen, laba kalena ay ka aamuseen. Afarta mudane ee ka duwanaaday aragtida aqlabiyadda ayaa kala ahaa Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Xasan (Shaadh), Xildhibaan Khadar Ismaaciil Qardhab, Xildhibaan Cumar Mukhtaar Ciise (Xamari) iyo Xildhibaan Mabduux Cismaan Sheekh Xasan.



 

Mawqifka ay qaateen afartan mudane ayaa si weyn u soo jiitay dareenka xubnihii Golaha iyo dadkii la socday fadhiga, iyadoo qaar badan ay ku macneeyeen inuu ka tarjumayo ixtiraam iyo xidhiidh shaqo oo muddo dheer ka dhexeeyey Guddoomiyihii hore iyo mudanayaasha Golaha.


 

Fadhiga maanta ayaa lagu soo afjaray hoggaankii 22-ka sano socday ee Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaana isla maalintaas Golaha Guurtidu doortay guddoomiye cusub oo hoggaamin doona Golaha muddada soo socota.

May be an image of dais
May be an image of one or more people, dais and text
May be an image of one or more people and dais
May be an image of dais

Loading...
Loading...