Muuse Xaaji Cabdi Du'caale Oo Loo Doortay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Guurtida Somaliland

0
Sunday July 12, 2026 - 13:26:30 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 91
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Xaaji Cabdi Du'caale Oo Loo Doortay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Guurtida Somaliland

    Guddoomiyaha cusub ayaa beddelaya Saleebaan Maxamuud Aadan, oo maanta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha cusub ayaa beddelaya Saleebaan Maxamuud Aadan, oo maanta



Muuse Xaaji Cabdi Du’caale ayaa maanta si rasmi ah loogu doortay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, kadib doorasho ka dhacday Golaha Guurtida.


 

Guddoomiyaha cusub ayaa beddelaya Saleebaan Maxamuud Aadan, oo maanta si rasmi ah uga degay xilka kadib markii Golaha Guurtidu ansixiyey iscasilaaddiisa, taas oo soo afjartay hoggaankiisii socday muddo 22 sano ah.

 

Doorashada Muuse Xaaji Cabdi Du’caale ayaa ka dambaysay kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen mudanayaasha Golaha Guurtida, iyadoo la filayo inuu hoggaamiyo Golaha marxaladda cusub ee horyaalla.

 

Muuse Xaaji Cabdi Du’caale ayaa la filayaa inuu si rasmi ah ula wareego xilka Guddoomiyaha Golaha Guurtida, isaga oo hoggaamin doona hawlaha Golaha iyo waajibaadka dastuuriga ah ee horyaalla Golaha Guurtida Somaliland.


Loading...
Loading...