Guddoomiye Saleebaan Oo Dardaaran U Jeediyey Golaha Guurtida Iyo Hoggaanka Cusub
Guddoomiyihii hore ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa maanta dardaaran muhiim ah u jeediyey mudanayaasha Golaha Guurtida iyo hoggaanka cusub, kadib markii uu si rasmi ah xilka uga degay.
Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ku boorriyey Golaha Guurtida inay xoojiyaan wada-shaqaynta ay la leeyihiin Golaha Wakiillada, si labada Aqal ee Baarlamaanku u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, una soo saaraan go'aanno waxtar u leh bulshada.
Waxa uu sidoo kale shir-guddoonka cusub kula dardaarmay inay adkeeyaan xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya labada Gole ee Baarlamaanka, si loo xoojiyo hawlaha sharci-dejinta iyo ilaalinta danta qaranka.
Dhinaca kale, Guddoomiyihii hore ayaa Golaha Guurtida ku adkeeyey inay sii xoojiyaan wada-shaqaynta ay la leeyihiin Madaxweynaha iyo Xukuumadda, isagoo sheegay in iskaashi wanaagsan uu muhiim u yahay horumarka iyo xasilloonida dalka.
Ugu dambayn, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ku baaqay in Golaha Guurtidu si dhow ula shaqeeyo warbaahinta dalka, isaga oo tilmaamay inay door muhiim ah ka qaadato wacyigelinta bulshada, isla markaana gacan ka geysato isla-xisaabtanka iyo horumarinta hay'adaha qaranka.


0 





