Wasiirka Hawlaha Guud: Suuqa Idaacadda Waxaa Laga Dhisayaa 705 Meheradood Oo Casri Ah

0
Sunday July 12, 2026 - 13:15:12 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 28
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Hawlaha Guud: Suuqa Idaacadda Waxaa Laga Dhisayaa 705 Meheradood Oo Casri Ah

    Wasiirka ayaa xusay in dadka hore uga ganacsan jiray suuqa ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka ayaa xusay in dadka hore uga ganacsan jiray suuqa ay



Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Jamhuuriyadda Somaliland, Xuseen Axmed Caydiid, ayaa sheegay in dib-u-dhiska Suuqa Idaacadda uu noqon doono mashruuc casri ah oo laga hirgelinayo 705 meheradood, 17 sakadood iyo 4 hangar, kuwaas oo dhammaantood noqon doona hanti ay dawladdu leedahay.

 

Wasiirka ayaa xusay in dadka hore uga ganacsan jiray suuqa ay maalgashan doonaan dhismaha meheradahooda, halka dowladda ay lahaan doonto dhismayaasha, iyadoo ganacsatada laga qaadi doono kiro kooban.

 

Waxa uu sidoo kale sheegay in dhammaan dadkii uu khasaaruhu ka soo gaadhay dabkii baabi'iyey Suuqa Idaacadda la siiyey magdhow, isagoo tilmaamay in qiimayntii ay sameeyeen laba shirkadood ay saldhig u noqotay bixinta magdhawga.

 

Wasiir Xuseen Axmed Caydiid ayaa ugu dambayn sheegay in qorshuhu yahay in mashruuca dib-u-dhiska Suuqa Idaacadda lagu soo gabagabeeyo muddo 8 bilood gudahood, si ganacsatadu ugu soo laabtaan goob ganacsi oo casri ah, ammaan ah isla markaana u qalanta baahida magaalada.


Loading...
Loading...