Golaha Guurtida Somaliland Oo Ansixiyey Iscasilaadda Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan

0
Sunday July 12, 2026 - 13:08:09 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 27
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Guurtida Somaliland Oo Ansixiyey Iscasilaadda Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan

    Go'aankan ayaa soo afjaraya hoggaan uu Saleebaan Maxamuud Aadan hayey muddo 22

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Go'aankan ayaa soo afjaraya hoggaan uu Saleebaan Maxamuud Aadan hayey muddo 22


 

Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyey iscasilaadda Guddoomiyihii Golaha, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, kadib markii uu Golaha u gudbiyey warqaddiisa iscasilaadda.

 

Iscasilaadda Guddoomiye Saleebaan ayaa waxaa oggolaaday 69 mudane, halka 2 mudane ay diideen, 2 kalena ay ka aamuseen. Guddoomiyuhu kama uu qaybgelin codbixinta, waxaana sidaas si rasmi ah ku meel maray iscasilaaddiisa.

 

Go’aankan ayaa soo afjaraya hoggaan uu Saleebaan Maxamuud Aadan hayey muddo 22 sano ah, isagoo ka mid ahaa masuuliyiintii ugu muddada dheeraa ee hoggaaminayey Golaha Guurtida Somaliland.

 

Golaha Guurtida ayaa la filayaa inuu bilaabo habraacyada dastuuriga ah ee lagu dooranayo guddoomiye cusub oo beddela Saleebaan Maxamuud Aadan, si loo sii wado hawlaha Golaha.



Loading...
Loading...