Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland: Waddaniyaddu Kama Weyna Xisbi Iyo Mansab

0
Saturday July 11, 2026 - 14:43:34 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 29
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland: Waddaniyaddu Kama Weyna Xisbi Iyo Mansab

    Afhayeenka ayaa xusay in xilliyada dalka ay soo wajahaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka ayaa xusay in xilliyada dalka ay soo wajahaan



Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa sheegay in waddaniyaddu tahay waajibaadka ugu sarreeya ee saaran muwaadin kasta, isla markaana aan lagu cabbirin xisbi siyaasadeed ama mansab, balse lagu qiimeeyo sida hagar la’aanta ah ee loogu adeego danta qaranka iyo ilaalinta madaxbannaanida Somaliland.



 

Afhayeenka ayaa xusay in xilliyada dalka ay soo wajahaan duruufo muhiim ah ay lagama maarmaan tahay in muwaadiniintu ka gudbaan kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed, kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara kala qaybsanaan iyo tabar-darro ku timaadda midnimada bulshada.


 

Qoraal uu ku baahiyey bartiisa X (Twitter), ayuu ku sheegay in waddaniyaddu aanay ku koobnayn hadallo oo keliya, balse ay tahay ficil muuqda oo lagu difaacayo qaranimada, madax-bannaanida iyo dadaallada lagu horumarinayo aqoonsi-raadinta Somaliland.


 

Afhayeen Deyr ayaa ugu dambayn sheegay in taariikhdu xusi doonto shacabka doorka muuqda ka qaata ilaalinta midnimada, danta qaranka iyo himilooyinka Somaliland, isagoo ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo horseedi kara khilaaf iyo kala qaybsanaan bulshada dhexdeeda.

Loading...
Loading...