Wasiirka Caddaaladda Somaliland Oo Soo Gebagebeeyey Shir Caalami Ah Oo Lagu Xoojinayo Hay'adaha Caddaaladda

0
Saturday July 11, 2026 - 12:09:42 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 34
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Caddaaladda Somaliland Oo Soo Gebagebeeyey Shir Caalami Ah Oo Lagu Xoojinayo Hay'adaha Caddaaladda

    Intii uu shirku socday, waxaa lagu soo bandhigay natiijooyinkii ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Intii uu shirku socday, waxaa lagu soo bandhigay natiijooyinkii ..


May be an image of one or more people, dais and text



Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Yoonis Axmed Yoonis, ayaa soo gebagebeeyey shir laba maalmood ka socday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta hay’adaha caddaaladda iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah.


 

Shirka waxaa ka qayb galay Safiirka Somaliland ee Kenya, Amb. Maxamed Cabdillaahi Cumar, madaxda hay’adaha caddaaladda Somaliland iyo wakiillo ka socday dowlado iyo hay’ado caalami ah oo taageera horumarinta garsoorka iyo caddaaladda.


 

Intii uu shirku socday, waxaa lagu soo bandhigay natiijooyinkii ka soo baxay Shirweynihii Caddaaladda Somaliland, iyadoo si qoto dheer looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa taageerada iyo iskaashiga lagu horumarinayo hay’adaha caddaaladda iyo tayaynta adeegyada garsoorka ee dalka.


 

Wasaaradda Caddaaladda ayaa sheegtay in shirkan uu qayb ka yahay dadaallada lagu kobcinayo awoodda hay’adaha caddaaladda, kor loogu qaadayo tayada adeegyada loo fidiyo bulshada, isla markaana lagu xoojinayo wada-shaqaynta Somaliland iyo saaxiibbadeeda caalamiga ah.

May be an image of one or more people and text that says 'ON N'
May be an image of newsroom, dais and text that says 'H SLNTV Gellayan RAKAAL TV ing Children d Protectio Ko #NEDIA DA N0 おきの と大ザ 文 SOSCHILDR SOS CHILDR VILLAGES VILI'
May be an image of one or more people, dais and text






May be an image of one or more people, people studying, eyewear and newsroom
May be an image of one or more people and dais
May be an image of one or more people
May be an image of one or more people and dais
May be an image of one or more people and text
May be an image of dais
May be an image of one or more people and suit
No photo description available.
May be an image of one or more people, people studying and table

May be an image of one or more people, people studying, table and dais
Loading...
Loading...