Wasiirka Kalluumaysiga Oo Ka Qayb Galay Kulan Lagu Dardargelinayo Horumarinta Wax-soo-saarka Kalluunka

0
Thursday July 09, 2026 - 12:25:48 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 39
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Kalluumaysiga Oo Ka Qayb Galay Kulan Lagu Dardargelinayo Horumarinta Wax-soo-saarka Kalluunka

    Waxa sidoo kale kulanka ka qayb galay wakiillo ka socday hay'adaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa sidoo kale kulanka ka qayb galay wakiillo ka socday hay'adaha



Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Jamhuuriyadda Somaliland, Cali Jaamac Faarax (Buureed), oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Liibaan Maxamuud Diiriye, iyo masuuliyiin kale, ayaa ka qayb galay kulan ay soo qabanqaabisay hay'adda YEEL Organization.


 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa wax-soo-saarka kalluunka, loo horumarin lahaa ka faa’iidaysiga khayraadka badda, isla markaana loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya hay’adaha iyo daneeyayaasha ka shaqeeya horumarinta kalluumaysiga.



 

Waxa sidoo kale kulanka ka qayb galay wakiillo ka socday hay’adaha Fresh Fish iyo World Vision, kuwaas oo ka wada hadlay fursadaha lagu kobcin karo wax-soo-saarka kalluunka iyo taageerada loo fidin karo bulshada ku tiirsan kalluumaysiga.


 

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay horumarinta kalluumaysiga, ka faa’iidaysiga khayraadka badda iyo xoojinta iskaashiga, si loo kobciyo dhaqaalaha dalka loona abuuro fursado shaqo iyo nolol-maalmeed oo waara.

Loading...
Loading...