Wasiirka Madaxtooyada Oo Ku Baaqay In Golaha Wasiirradu Xoojiyaan Xidhiidhka Xisbiga WADDANI

0
Wednesday July 08, 2026 - 19:44:52 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 21
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyada Oo Ku Baaqay In Golaha Wasiirradu Xoojiyaan Xidhiidhka Xisbiga WADDANI

    Wasiirka ayaa sheegay in xidhiidhkan uu muhiim u yahay kor ........

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka ayaa sheegay in xidhiidhkan uu muhiim u yahay kor ........



Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa Golaha Wasiirrada usoo jeediyey in la xoojiyo xidhiidhka tooska ah ee u dhexeeya xukuumadda iyo xisbiga talada haya ee WADDANI, si loo adkeeyo wada-shaqaynta iyo isku-duwidda hawlaha dowladda.


 

Wasiirka ayaa sheegay in xidhiidhkan uu muhiim u yahay kor u qaadista isla-xisaabtanka, la socodka baahiyaha bulshada iyo is-waafajinta qorshayaasha xukuumadda iyo himilooyinka siyaasadeed ee xisbiga talada dalka haya.



 

Waxa uu sidoo kale Golaha Wasiirrada u sheegay in barnaamijka "La Hadal Xisbigaaga” uu yahay hannaan lagu xoojinayo wada-xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya xukuumadda iyo xisbiga WADDANI, si loo dardargeliyo fulinta qorshayaasha horumarinta iyo adeegyada bulshada.


 

Wasiirka Madaxtooyada ayaa carrabka ku adkeeyey in wada-shaqayn dhow oo u dhexaysa hay’adaha fulinta iyo xisbiga talada haya ay ka qayb qaadan karto hagaajinta maamulka, kor u qaadista waxqabadka iyo la jaanqaadka baahiyaha shacabka.

Loading...
Loading...