Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Oo Shaacisay Dhaqan-galka Cashuurta Iibka ee 2.5%

0
Wednesday July 08, 2026 - 18:38:37 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 61
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Oo Shaacisay Dhaqan-galka Cashuurta Iibka ee 2.5%

    Wasaaraddu waxay sheegtay in cashuurtan si toos ah looga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaraddu waxay sheegtay in cashuurtan si toos ah looga





Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku wargelisay ganacsatada isticmaasha nidaamka lacag-bixinta ganacsiga (Merchant) in laga bilaabo 11-ka July 2026 si rasmi ah loo dhaqan gelin doono cashuurta iibka (GST) oo dhan 2.5%.



 

Wasaaraddu waxay sheegtay in cashuurtan si toos ah looga jari doono lacagta uu macmiilku ku bixiyo xisaabta ganacsiga, iyadoo lacagtaasi si toos ah ugu dhici doonto Khasnadda Dawladda.


 

Ganacsatada ayaa lagu wargeliyey inay ka hor taariikhda dhaqan-galka nidaamkan cusboonaysiiyaan mishiinnada iyo nidaamyada lacag-bixinta ee ay isticmaalaan, si biilka macaamiisha loogu daro 2.5%, halkii uu hore uga ahaan jiray 5%.


 

Wasaaradda Maaliyaddu waxay ugu dambayn ugu baaqday dhammaan ganacsatada inay si buuxda ula shaqeeyaan hirgelinta nidaamkan cusub, si loo xaqiijiyo habsami u socodka ururinta cashuuraha iyo kobcinta dakhliga dowladda.

Loading...
Loading...