Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Oo Kormeer Ku Tagay Wajaale, Agab Lagula Dagaallamayo Duumadana Gaadhsiiyey

0
Wednesday July 08, 2026 - 12:22:04 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 17
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Oo Kormeer Ku Tagay Wajaale, Agab Lagula Dagaallamayo Duumadana Gaadhsiiyey

    Intii uu kormeerku socday, Wasiir Ku-xigeenku waxa uu warbixinno

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Intii uu kormeerku socday, Wasiir Ku-xigeenku waxa uu warbixinno



Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Maxamed Daahir, ayaa safar shaqo oo kormeer ah ku tagay Gobolka Gabiley, gaar ahaan degmada Wajaale, si uu u qiimeeyo xaaladda adeegyada caafimaadka iyo dadaallada lagula tacaalayo cudurrada ka jira deegaanka.



 

Intii uu kormeerku socday, Wasiir Ku-xigeenku waxa uu warbixinno ka dhegaystay masuuliyiinta caafimaadka ee gobolka iyo degmada, kuwaas oo ka xog warramay xaaladda cudurrada, tallaabooyinka la qaaday iyo natiijooyinka laga gaadhay.


 

Dr. Maxamed Daahir ayaa sidoo kale xarumaha caafimaadka ku wareejiyey maro-kaneecooyin loogu talagalay dadka ugu nugul cudurrada kaneecadu gudbiso, iyo qalab lagu baadho cudurka duumada, si loo xoojiyo adeegyada caafimaadka loogana hortago faafitaanka cudurka.


 

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa sheegtay in tallaabadan ay qayb ka tahay qorsheyaal lagu xoojinayo ka hortagga iyo xakamaynta cudurka duumada, iyadoo gobolka hore loogu gaadhsiiyey dawooyin dheeraad ah oo lagu taageerayo adeegyada caafimaadka.



Loading...
Loading...