Wasiirka Biyaha Somaliland Oo Dhagax-dhigay Warshaddii Ugu Horreysay Ee Biyaha Badda Looga Macaanaynayo Saylac

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cabdimaalik Axmed, ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay mashruuc ballaadhan oo lagu hirgelinayo warshad lagu macaanaynayo biyaha badda ee degmada Saylac.
Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, masuuliyiinta gobolka Selel iyo degmada Saylac, madax-dhaqameedyo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Mashruucan ayaa lagu tilmaamay mid wax weyn ka tari doona xallinta biyo-yaraanta muddada dheer ka jirtay Saylac, iyadoo bulshada degmada iyo deegaannada ku hareeraysan ay heli doonaan biyo nadiif ah oo waara.
Hirgelinta mashruuca waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo hay’adda Qatar Charity, waxaana la filayaa inuu door muhiim ah ka qaato horumarinta adeegyada biyaha iyo kor u qaadista nolosha bulshada.
Masuuliyiinta ayaa sheegay in mashruucani uu ka mid yahay dadaallada ay xukuumaddu ku horumarinayso kaabeyaasha biyaha, isla markaana uu astaan u yahay qorshaha lagu gaadhsiinayo adeegyo biyo oo tayo leh dhammaan deegaannada Somaliland.


0 





