Wasiir Axmed Yaasiin: Saylac Waa Magaaladii Ugu Horreysay Ee Laga Hirgeliyo Mashruuca Macaanaynta Biyaha Badda

0
Wednesday July 08, 2026 - 12:15:01 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 22
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Axmed Yaasiin: Saylac Waa Magaaladii Ugu Horreysay Ee Laga Hirgeliyo Mashruuca Macaanaynta Biyaha Badda

    Waxa uu xusay in mashruucan uu faa'iido weyn u yeelan doono shacabka...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uu xusay in mashruucan uu faa'iido weyn u yeelan doono shacabka...

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL Md, Axmed-yasin Maxamed Faarax iyo Agaasimaha Guud Md, Cabdirashiid Caydiid Yaasiin,



Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Yaasiin Maxamed Faarax, ayaa sheegay in mashruuca lagu macaanaynayo biyaha badda ee magaalada Saylac uu yahay mashruucii ugu horreeyey ee noociisa ah ee laga hirgeliyo Somaliland.


 

Wasiirku waxa uu sheegay in si rasmi ah loo dhagax-dhigay mashruucan, kaas oo loogu talagalay in wax lagaga qabto baahida biyaha ee ka jirta magaalada Saylac, isla markaana bulshada deegaanka loo helo biyo nadiif ah oo waara.


 

Waxa uu xusay in mashruucan uu faa’iido weyn u yeelan doono shacabka Saylac, isaga oo ka qayb qaadan doona yaraynta biyo-yaraanta muddada dheer ka jirtay magaalada.


 

Mashruuca macaanaynta biyaha badda waxaa si wadajir ah u hirgelinaya Wasaaradda Horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo hay’adda Qatar Charity, iyadoo la filayo inuu door muhiim ah ka qaato horumarinta adeegyada biyaha ee deegaanka.


 

Wasiir Axmed Yaasiin Maxamed Faarax ayaa ugu dambayn uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland hirgelinta mashruucan, isaga oo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa horumarka iyo tayada nolosha bulshada magaalada Saylac.

Loading...
Loading...