Ha U Oggolaan Cabsidu Inay Noloshaada Hoggaamiso

Cabsidu mar kasta kama dhalato xooggeeda, balse waxay sii kortaa marka aynu maskaxdeenna ku quudinno fikirro taban oo joogto ah. Inta badan, waxa aynu ka baqayno waa mala-awaal aan weligii rumoobin, halka qaar kale oo dhacaana ay ka fududaadaan sidii aynu maskaxdeenna ugu sawirannay.
Ha u oggolaan cabsidu inay kaa hor istaagto inaad bilowdo wax cusub. Ha ka baqin guuldarro ka hor intaadan isku dayin. Ha ka cabsan diidmo ka hor intaadan codsan. Hana ka niyad jabin jidka ka hor intaadan qaadin tallaabadii ugu horraysay.
Guushu waxay inta badan u timaaddaa dadka ka adkaada cabsidooda, ee aan u oggolaan inay ka hor istaagto himilooyinkooda. Kalsooni, samir iyo tawakal ayaa ka awood badan cabsi kasta oo qalbiga ku dhalata.
Qalbigaaga deji, Alle ku kalsoonow. Qofkii Alle talo saarta oo ku tiirsanaada, cabsi iyo mala-awaal ma jebiyaan jidkiisa.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





