Wasaaradda Ganacsiga Oo Soo Gebagebaysay Tababar Lagu Kobcinayo Xirfadaha Shaqaalaheeda

0
Tuesday July 07, 2026 - 12:30:38 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 89
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Ganacsiga Oo Soo Gebagebaysay Tababar Lagu Kobcinayo Xirfadaha Shaqaalaheeda

    Tababarka, oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Shaqaalaha (HR),

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababarka, oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Shaqaalaha (HR),

May be an image of one or more people, people studying, table and text


Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah u soo gebagebaysay tababar socday muddo saddex maalmood ah oo lagu horumarinayey aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha ee dhinacyada cilmi-baadhista, falanqaynta xogta iyo diyaarinta warbixinnada.


 

Tababarka, oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Shaqaalaha (HR), ayaa ujeeddadiisu ahayd in kor loo qaado tayada iyo kartida hawl-wadeennada wasaaradda, si ay u diyaariyaan warbixinno xirfad leh oo ku salaysan xog sax ah iyo hab-raacyo cilmiyeed.


 

Munaasabaddii lagu soo xidhayey tababarka ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Eng. Maxamuud Xuseen Aadan (Jabaake), ku bogaadiyey shaqaalaha dedaalka ay muujiyeen, isaga oo ku dhiirrigeliyey inay aqoonta ay korodhsadeen u adeegsadaan horumarinta shaqada iyo tayaynta adeegyada ay wasaaraddu bulshada u hayso.


 

Gabagabadii, shaqaalihii si guul leh u dhammaystay tababarka ayaa la guddoonsiiyey shahaadooyin, taas oo qayb ka ah dadaallada wasaaraddu ku xoojinayso horumarinta xirfadaha iyo tayada shaqaalaheeda.

Loading...
Loading...