Booliska Somaliland Oo Digniin U Diray Warbaahinta Aan Ruqsadda Haysan
Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo saaray digniin ku socota warbaahinta iyo shaqsiyaadka ku hawlan muuqaal-duubista iyaga oo aan haysan ruqsad sharci ah, gaar ahaan kuwa carruurta waraysta ama muuqaallo ka duuba goobaha dadweynaha.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay in dhammaan hay’adaha warbaahinta iyo suxufiyiintu ay waajib ku tahay inay u hoggaansamaan shuruucda dalka iyo nidaamka ruqsad-siinta, si loo ilaaliyo sharciga iyo xuquuqda muwaadiniinta.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku hawlgasha shaqooyinka warbaahinta iyada oo aan haysan ruqsadda iyo aqoonsiga sharcigu dhigayo.
Booliska Somaliland ayaa bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, isla markaana ay xaqiijiyaan in dadka isku sheegaya warbaahinta ay haystaan ruqsadaha iyo aqoonsiyada rasmiga ah ee shaqadooda.


0 





