Dowladda Ingiriiska Oo Tababar U Furtay Saraakiisha Ciidanka Badda Somaliland

0
Tuesday July 07, 2026 - 12:07:47 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Ingiriiska Oo Tababar U Furtay Saraakiisha Ciidanka Badda Somaliland

    Tababarkan ayaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyey Xafiiska Dowladda Ingiriiska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababarkan ayaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyey Xafiiska Dowladda Ingiriiska


May be an image of one or more people and text


Dowladda Ingiriiska ayaa tababar u bilowday saraakiil ka tirsan Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo ujeeddadu tahay kor u qaadista aqoonta, xirfadaha iyo tayaynta awoodda ciidanka.


 

Tababarkan ayaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyey Xafiiska Dowladda Ingiriiska ee Hargeysa iyo Taliska Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Somaliland, waxaana uu qayb ka yahay barnaamijyada lagu xoojinayo iskaashiga amniga iyo horumarinta awoodaha ciidamada.


 

Masuuliyiinta ayaa sheegay in tababarku diiradda saarayo horumarinta xirfadaha saraakiisha, xoojinta ilaalinta xeebaha iyo sare u qaadista awoodda Ciidanka Badda ee sugidda amniga badda Somaliland.


 

Dowladda Ingiriiska ayaa muddooyinkii u dambeeyey taageero dhinacyo kala duwan ah siisa hay'adaha amniga Somaliland, iyadoo tababarradan lagu doonayo in lagu xoojiyo awoodda ciidamada ee ilaalinta xeebaha, la-dagaallanka khataraha badda iyo kor u qaadista amniga marin-biyoodka Somaliland.

Loading...
Loading...