Wasaaradda Qorshaynta Iyo WFP Oo Ka Wada Hadlay Isku Waafajinta Istaraatiijiyadda Horumarka Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, ayaa kulan la yeelatay wafdi uu hoggaaminayey Wakiilka Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP), Hameed Nuru, si loo xoojiyo iskaashiga horumarineed ee u dhexeeya dowladda Somaliland iyo hay’adda WFP.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii istaraatiijiyadda shanta sanno ee WFP loogu waafajin lahaa Mudnaanta Qorshaha Horumarinta Qaranka Saddexaad (NDP III), iyadoo xoogga la saarayo sugnaanta cuntada, nafaqada, adkaysiga bulshada iyo horumarinta nidaamyada wax-soo-saarka cuntada.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta awoodda hay’adaha dowladda, la qabsiga isbeddelka cimilada, kobcinta nolol-maalmeedka bulshada iyo horumarinta wax-soo-saarka gudaha si loo taageero beeralayda, xoolo-dhaqatada iyo ganacsatada maxalliga ah.
Kulanka ayaa lagu adkeeyey muhiimadda sii wadista wada-shaqaynta u dhexaysa Wasaaradda Qorshaynta iyo Hay’adda WFP, si loo hirgeliyo barnaamijyo waxtar u leh horumarinta dhaqaalaha, sugnaanta cuntada iyo kor u qaadista adkaysiga bulshada Somaliland.


0 





