Falanqayn: Digniin Laga Muujiyey Doorka Turkiga Ee Geeska Afrika Iyo Saamaynta Uu Ku Yeelan Karo Somaliland

0
Tuesday July 07, 2026 - 12:02:49 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqayn: Digniin Laga Muujiyey Doorka Turkiga Ee Geeska Afrika Iyo Saamaynta Uu Ku Yeelan Karo Somaliland

    Sidoo kale, waxa uu sheegay in loo baahan yahay xoojinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale, waxa uu sheegay in loo baahan yahay xoojinta



Qoraa Dr. Cabdweli Suufi ayaa falanqayn uu qoray ku sheegay in wararka la xidhiidha duqaymo la sheegay inay diyaaradaha dagaalka Turkigu ka geysteen deegaanno u dhow Baydhabo ay muujinayaan isbeddel ku yimid doorka milatari ee Turkiga ee Geeska Afrika.

 

Qoraagu waxa uu ku dooday in tallaabooyinka Turkiga iyo dhaq-dhaqaaqyadiisa gobolka ay u baahan yihiin in si dhow loola socdo, isaga oo ku baaqay in Somaliland yeelato feejignaan dheeraad ah, diyaar-garow amni iyo qorshe istaraatiiji ah oo lagu ilaalinayo danaheeda qaran.

 

Sidoo kale, waxa uu sheegay in loo baahan yahay xoojinta isku-duubnida bulshada, kor u qaadista awoodaha difaaca iyo iskaashiga hay’adaha qaranka si looga hortago khatar kasta oo amni ama istaraatiiji ah oo mustaqbalka iman karta.

 

Dr. Cabdweli Suufi ayaa ugu dambayn ku baaqay in xukuumadda, axsaabta siyaasadda, warbaahinta, aqoonyahanka, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ay si wadajir ah uga shaqeeyaan ilaalinta amniga iyo danaha istaraatiijiga ah ee Somaliland.

 

Qoraalkan waa falanqayn iyo aragti uu qoruhu leeyahay, mana aha war rasmi ah oo xaqiijinaya in khatar gaar ahi jirto ama ay dhacdooyinka lagu sheegay yihiin kuwo la xaqiijiyey.


Loading...
Loading...